Tuesday, May 21st, 2019

Haween Muqdisho kulan ku yeeshay oo go’aano ka soo saaray doorkooda siyaasadda 2016-ka + Sawirro

Published on July 22, 2015 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen ururrada u dooda xuquuqda haweenka, madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, aqoonyahano haween ah iyo marti sharaf fara badan

Kulanka ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho oo ay soo abaabushay wasaaradda Haweenka iyo xuquuda aadanaha ayaa ahaa mid ay haweenka uga wada tashanayeen ka qeybgalka siyaasadda sanadka 2016-ka.

Ugu horeyntii Wasaaradda Haweenka ayaa ka qeyb galayaasha sharaxaad ka siisay muhiimadda ay haweenka u leeyihiin ka qeyb galkooda dhinaca siyaasadda, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay daraasado ay Wasaaraddu sameysay oo ku saabsan doorka haweenka Soomaaliyeed howlaha dalka ka socda, iyadoo halkaasi laga sheegay inay sii kordheyso tirada haweenka ay ku leeyihiin ciidamada Booliska.

Waxaa kale oo daraasadda wasaaradda haweenka ka mid ah horumarka ay haweenku ka gaareen dhinacyada waxbarashada, iyagoo tiro aad u badan oo haween ah dhigtaan jaamacadaha iyo goobaha kale ee waxbarashada.

Qaar ka mid ah madaxda ururrada haweenka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ka dalbaday Wasaaradda Haweenka sidii loo kordhin lahaa tirada haweenka ay ku leeyihiin hay’adaha dowladda, iyagoona xusay in haweenka ay ka maqan tahay xuquuqo fara badan.

Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Maxamed Cusmaan oo halkaasi khudbad ka jeediyay in xaqiraadda haweenka ay ka timid haweenka oo aan aqoon buuxda u lahayn xuquuqda Islaamka uu u jideeyay haweenka.

“Si sare loogu qaado aqoonta diinnta Islaamka ee dhinaca haweenka waxaan sameyn doonaa barnaamijyo ay ka faa’iideysanyaan haweenka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan” ayuu yiri Agaasime Maxamed Cusmaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in wasaaradiisu kor u qaadeyso isla markaana dadaal xoogan ugu jirto sidii haweenku u heli lahaayeen xuquuqda ay u leeyihiin inay door muuqda ku yeeshaan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Guddoomiye K/Xigeenka ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi oo halkaasi khudbad ka jeedisay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed doorkooda aan la xaqiri karin, iyadoona sheegtay in haweenku door lixaad leh ka qaateen dowladnimada maanta dalka ka jirta.

“Haween la’aantiis dal ma dhismi karo, sidaas darteed haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo uu dalka ka joogo wuxuu ka mideysan yahay in shirweyne loo qabto, isla markaana ay ku dalbanayaan in dastuurka lagu caddeeyo xuquuqda ay leeyihiin haweenka” ayay tiri Canad Xasan Cilmi.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Khadra Maxamed Bashiir ayaa iyana khudbad ay ka halkaasi ka jeedisay waxay sheegtay in haweenku yihiin kuwo daacad ah, iyadoona sheegtay in haweenka ka shaqeeya wasaaradeeda ay ragga uga jeclaatay sida heeganka u yihiin.

Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul aadanaha Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay iyadu inaysan rabin in arrimaha haweenka la siyaasadeeyo, iyadoona sheegtay inay heysato hal dhibaato oo ah berrito dhaxal ay uga tagaan jiilka ka dambeeya.

“Dastuurka waa inaan ka aragnaa koontada aan ku leenahay” ayay tiri Wasiirad Sahra oo sheegtay in haweenka lambar ahaan aanay ahayn dad yar, balse ay yar yihiin wixii la siiyay.

Waxay sheegtay in haweenka qeybahooda kala duwan ay u dagaalamaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, taasi oo ay sheegtay in kulanka ay isugu yeertay haweenka uu yahay sidii ay uga tashan lahaayeen.

“Aan ku qasabno mas’uuliyiinta wadanka, aan la hadalno qabiilada, aan la hadalno dadka ay maanta ka go’an tahay inay isbedel sameeyaan, hadaan heleynin 50% waa inaan helnaa 40%” ayay tiri Wasiirka Haweenka Haweenka.

Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in haweenka guddiyada la yiri ma soo bixi karaan, balse waxay tilmaamtay in markii haweenka ay isku duubmeen la aqoonsaday doorka haweenka.

Kulanka maanta ka dhacay Muqdisho ayaa midkii ugu ballaarnaa oo haweenka ay uga tashanayeen sidii ay siyaasadda uga qeyb qaadan lahaayeen sanadka 2016-ka oo dalka ay ka dhacayaan doorashooyin xor ah oo dadweyne.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka