Tuesday, May 21st, 2019

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Deeq Raashiin ah Gudoonsiisay Ururadda Bulshadda Ra’iydka ee Arimaha Haweenka Ka shaqeeya si dadka ay u sii Gaarsiiyaan Danyarta. ( Sawirro )

Published on July 2, 2016 by   ·   No Comments

Ka dib markii dowladda Turkiga ee saaxiibka dhaw la ah dowladda soomaaliya ay bulshada soomaaliyeed ugu deeqday mucaawino raashiin ah, ayaa degadda muqdisho waxaa ku soo xirtay intii lagu guda jiray bishii dhamaatay markab sida raashiinkii soomaaliya loogu deeqay ,Markabka ayaa siday dhowr tan oo cunooyinka aas aasi ah kana kooban bur iyo Sonkor.

Waxaa raashiinkaasi la wareegtay wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federal ka ee xukuumada soomaaliya si loo gaarsiiyo qeybaha jilicsan ee bulshada ku nool gobolada dalka iyo Caasimada Muqdisho.

Dadka Raashiinkan qeybta laga soo gaarsiiyay waxaa ka mid ah Ururadda Bulshada ra’yidka kuwooda ka shaqeeya Arrimaha haweenka si ay u sii gaarsiiyaan Bulshada Jilicsan ee aanan awoodin in nolol maalmeedka ay si joogta u helaan,

Ururka Haweenka Qaranka ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala wareegay Mucaawinadii dowladda Turkiga ugu deeqday shacaka soomaaliyeed waxaa loo yeeray ururadda arrimaha haweenka ka shaqeeya si ay dadka u sii gaarsiiyaan Sida  Elman , Hinna , IIDA , Sareedo Relief foundation , SWDC,  SSWC , SWLI  iyo kuwa kale ayaa raashiinka qeyb ahaan loo dhiibay si dadka ay og yihiin ee aanan waxba heysan u siiyaan.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in ay raashiinka u qeybinayaan sidii loo baahnaa ,

Caasho Shaacuur Ugaas oo ka tirsan bulshadda ra’yidka ayaa wasaaradda uga mahadceliysay wasaaradda Arrimaha Gudaha sida ay u xasuusteen dadka liita ,waxa ay deeqdan ku soo aaday ayay tiri waqti ay u baahnaayeen.

Ugu danbeyn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in raashiinkan ay gaarsiiyeen qeyb ahaan goboladda dalka soomaaliya sida Jubbland haddana uu qorshaha yahay in la gaarsiiyo dhamaan gobolada dalka soomaaliya , waxaan sidoo kale gaarsiinay ayuu yiri istibaaladda magaalada Muqdisho , Xerooyin , iyo goobo kale .

Waa markii ugu horeeyay ee dowladda Turkiga ay soomaaliya soo gaaarsiiso deeq kaliya ka kooban Bur iyo Sonkor iyadda oo xusid mudan in ay hore u keentay deeqo isku jir ah.

Halkan ka dhageyso Xogta La Xiriirta Deeqda

DSCF3829 DSCF3831 DSCF3837 DSCF3838 DSCF3853 DSCF3861 DSCF3862 DSCF3870 DSCF3874 DSCF3879 DSCF3883 DSCF3888 DSCF3894 DSCF3902

 

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka