Tuesday, May 21st, 2019

Markii uu igu Dhacay Xanuunka Isku furanka Ayuu ifuray Ilmaheyga Aabahood.( Sawirro )

Published on September 5, 2016 by   ·   No Comments

Isbitaalka Deyniile ee magaaladda Muqdisho waxaa lagu baxnaaninayaa in ku dhaw 115 dumar ah oo laga daaweynayo xanuunka isku furanka , tan iyo inta isbitaalkaasi laga bilaabay shaqada daaweynta xanuunka isku furanka waxaa qaliino lagu sameeyay in ku dhaw 400 oo haween ah ,kuwaasi oo ka kala yimid goboladda dalka soomaaliya waxa ay qeyb ahaan muddo la noolaayeen xanuunkan.

Badi dumarka laga daaweynayo xanuunka isku furanka waa ay kala tageen ragooda sabab la xiriirta xanuunka haayo oo keenay in ay isku go’aan qeybta saxarada iyo kaadidada waa wada hooyooyin heysta caruur in kastoo ay ku jiraan kuwa uur qaadkooda hore isku go’ay.

Inta badan caruurta ku dhasha xaaladda ay hooyada isku go’a ku wajahday ma noolaadaan waxaa sidaasi ila wadaagay tiro haween ah oo laga daaweynayo xanuunka isku furanka.

Bukaanka ugu badan ee lagu daaweynayo isbitaalka Deyniile  waa haweenka isku furanka uu ku dhacay oo qaarkood ayaa kol kale isku furmay ka dib markii ay hareer mareen talooyinka dhaqtarka oo ahaa in muddo labo sano ah aysan Uur Qaadin sabab la xiriirta qeybaha la daaweeyay oo wali kabsi u baahan.

Waxa ay wada saran yihiin sariiro is dhinacyaala oo muddo saacado ah ayaan kula qaatay isbitaalka Deyniile ,qaarkood waxaa ku xiran Kiteytar kuwa kale waxaa ku socda faleenbooyin halka qeybta kalana ay soo yaro roonaanayaan ma jiro dhaqdhaqaaq ay sameyn karaan waana sida dumar umul ah.

Nadiifo Cabdi Cali waa haweeney uur qaadkeeda hore uu ku dhacay xanuunka isku furanka ,wiilkii ay kucuratayna waa uu ka saqiiray waxaa taasi u welhisa iyada oo uu leh ayay kala tageen seygeeda waxa ay tiri  “ hadda waan soo caafimaaday in kastoo aan maalmo ku sii jiri doono isbitaalka”

Safiyo Maxamed Waa todobo dhal qaliinkan uga timid gobolka Hiiraan muddo ayay xanuun saneyd hadda oo qaliin lagu sameeyay waa ay ka soo reyneysaa xaaladeeda caafimaad.

Luul C/raxmaan Axmed Waa 28 jirad ku nool degmada wadajir waxa ay hore u dhashay 7 caruur ah balse 3 ka mid ah ayaa ka saqiirtay waxa ay tiri canug ayaa leygu soo jiiday markaasi ayaan isku furmay oo ay saxarada iyo kaadida noqdeen wax iska socda.

Inta haweenkan lagu baxnaaninayo isbitaalka deyniile waxaa gaaray qeyb ahaan haweenka bulshda rayidka iyo dumar wakiilo u ahaa  marwada madaxweynaha waxa ayna sheegeen in ay caawinayaan haweenka balse Caasho Shaacuur Ugaas waxa ay tiri “ dumarow qaata talada dhaqtarka si aad u bogsataan iskana ilaaliya in aad wax uur ah qaadaan inta waqtiga kabashada aad ku jirtaan ””

Aamina Maxamed Mursal oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee ururka haweenka qaranka horayna u soo noqotay wasiirkii haweenka mid ka mid ah dowladihii KMG waxa ay dumarka u qeybisay lacag ay soo dhiibtay marwada madaxweynaha Xamar Cali Cumar iyo dhar ay isku soo dar dareen haweeenka bulshada rayidka intaaski ka sokow dowladda ayay baaq u dirtay. Waxa ayna tiri waa in si wada jir ah aad u caawisaan haweenka xanuun sanayo .

Haweenkan waxaa qaliinka ku sameysay  hey’adda Baag ,hore muqdisho ma loogu sameyn jirin qaliinkan oo magaalada boorame ayaa aheyd halka ugu dhaw ee lagu sameeyo ,waana taas sababta ay dumar badan muddo ula noolaayeen kuwaasi oo ka sabri jiray dhexgalka bulshada iyo la sheegeysigooda halka qaarka kalana ay ku kala tageen ragooda ,waa muhiim in qofka aanan buktada lagu nicin si adiga aad u hesho darjeel iyo jecelka dadka kale marka aad xanuunsato.

DSCF4578 DSCF4579 DSCF4580 DSCF4581 DSCF4582 DSCF4583 DSCF4596 DSCF4601 DSCF4604 DSCF4608 DSCF4612

 

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka