Tuesday, May 21st, 2019

2; Shaqo oo ka Bannaan Mustaqbal Radio

Published on March 13, 2017 by   ·   No Comments

Fursd shaqo: Mustaqbal Radio oo kamid ah xarumaha Raadiyaha ee Muqdisho, waxa uu shaqada warbaahinta iyo tayeynta nuxurka baahineed ka shaqeynayaa sanadkii 5aad, illaa iyo intii la aas-aasay 2012; waxa uu soosaaray shaqaale xirfad yahan, oo qaarkood ay ka shaqeeyaan xarumo kale oo baahineed, haddaba iyada oo taas laga shidaal qaadanayo lana illaaliyo u sinnaanta fursadaha shaqada waxa uu halkan ku soo bandhigayaa 2; fursad shaqo oo ka bannaan

Shaqada 1aad

Goobta: Muqdisho

Heerka: Waqti dhan (Full time)

Booska: Soosaare (Producer)

Shuruudaha

  • Qibradda warbaahineed: 4 sano
  • Tababarrada looga baahan yahay: Tababarada Waxsoosaarka Raadiyaha
  • Ka sarreeya dugsi sare.
  • Si fiican ugu hadla una qora Af Soomaaliga.
  • Awooda in uu adeegsado Luuqad labaad, English/Arabic
  • Sameyn kara Xubnaha codeysan iyo xirmooyinka (Packages and Features)
  • Leh hal-abuur iyo karti maskaxeed oo wax hindisi karta
  • Xoog furan oo aan lahayn dhaqanka wehsida iyo hagarta
  • Leh sumcad iyo xushmo bulsho
  • Ku shaqeyn kara xaalad adag
  • Xiriir fiican la leh bulshada qaybaheeda kala duwan
  • Aan ka yareyn 25 sano

Haddii aad tahay qofka leh astaamahan sooyaalkaaga (CV) ku soo dir farriin-danabedyada hoose

To: ayaan@mustaqbalradio.com

CC: mustaqbalfm@gmail.com , admin@mustaqbalradio.com

La heli karo: 15-March-2017

Dhammaad: 22-March-2017

 

Shaqada 2aad

Goobta: Muqdisho

        Heerka: Waqtiga oo dhan (Full time)

 

 

Soo jeediye (Presenter)

Shuruurdaha

  1. In uu ku jiray qoraalka iyo warbaahinta muddo aan ka yareyn 3 sano
  2. Haysta Tababarada Waxsoosaarka Raadiyaha
  • Aqoon ahaan uu ka sarreeyo dusgiga sare
  1. Leeyahay fariidnimada iyo hal abuurka maskaxda
  2. Qori kara qoraalada Raadiyaha (Radio scripts)
  3. Sameyn kara falanqeyn iyo lafa gur dhanka qoraalka
  • Xiriir fiican la leh bulshada qaybaheeda kala duwan
  • Xoog furan oo aan lahayn dhaqanka wehsida iyo hagarta
  1. Raaci kara nidaamka shaqada iyo dhaqanka baahineed ee Mustaqbal Radio
  2. Aan ka yareyn 25 sano
  3. Sameyn kara sheekooyinka Raadiyaha (News)

Haddii hddaba aad daneyneyso qabashada shaqadaas ku soo dir sooyaalkaaga ama CV, ciwaanadan hoose:

To: ayaan@mustaqbalradio.com

CC: mustaqbalfm@gmail.com , admin@mustaqbalradio.com

La heli karo: 15-March-2017

Dhammaad: 22-March-2017

Ayan Said Ai

Admin and finance departments

________________________

March_2017_Shaqo ka Bannaan

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka