Tuesday, May 21st, 2019

Dhageyso : Haweeneydii ugu Horeysay ee Soomaali Duuliye noqoto oo ka hadleysa sababta ay ku dooratay + Sawirro

Published on July 27, 2017 by   ·   No Comments

Marka Taariikhda Africa dib loogu laabto waxaa Qaaradani soo martay saddex Haween ah kuwaasi oo sanado kala duwan noqday duuliyaal-diyaaradeed,Sanadkii 1976-kii Haweeney lagu magacaabo Asli Xasan Cabaade oo soomaali ah ayaa kicisay diyaaradihii kala ahaa  SISNA150 ,SF205 ,SF206 kuwaasi oo ahaa nooca Miiga oo ay lahaayeen ciidanka Cirka maadaama ay ciidankaasi kali ku aheyd Haween ahaan.

Sidoo kale dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa sanadihii 1993-kii iyo 2010 kii yeeshay Haween Duuliyaal ah waxaa taariikhada ku cad in Africa ay Soomaaliya ugu horeysay Haweeney Duuliya-diyaaradeed noqota.

Asli Xasan Cabaade oo Sanadkii 1976-kii kicisay diyaaradii ugu horeysay ka dib barashada duuliya-nimadeed ,waxa ay muddo ku bixisay in ay barato sida diyaarada loo duuliyo ,waxa ay aheyd gabar dhalinyaro ah oo ku jirtay waxbarashada aas aasiga ah ,xiligii ay ku hamineysay barashada duuliya-nimadda ,sababta ku xambaartay waxa ay ku sheegtay in ay ku nooleyd meel aan sidaasi uga fogeyn xarunta ciidanka Cirka ee Afisyooni, waxa ay muddo sheeda ka daawaneysay diyaaradaha ku soo dega iyo kuwa ka kaca dhabaha diyaaradaha ,gaar ahaan kuwa Ciidanka Cirka ,ugu danbeyntii waxa ay ku biirtay Ciidankaasi si ay duuliye u noqoto.

Asli waxaa u saxiixay in ay wadista diyaaradaha baran karto Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Barre in kastoo su’aalo dhowr ah uu ka weydiiyay shaqada ay qaabileyso, Ka sokow Duuliya-nimada ay baratay waxa ay dalka Mareykanka oo ay muddo ka badan 30 sano ku nooshahay ka baratay Daryeelka Caafimaadka Qoyska ,waxa ay muddo 20 sano ah ka shaqeyneysaa Isbitaal ku yaalla Mareykanka oo ay dowladaasi leedahay, waxaa intaasi u soo raacay barashada Cilmiga Xisaabaadka , iyo barashada Fidinta Diinta Islaamka iyada oo ka qeyb qaadatay soo Musliminta 13 qof.

Duuliye Asli oo ah Hooyo 60 sano jir ah oo wali isku heysa qoyskeeda carruurteeda iyo kuwa ay Ayeeyo u tahay waxa ay timid muqdisho sanadihii 2011-kii iyo 2017-kii tan iyo dhicistii dowladdii dhexe , aniga oo ah Nasriin Maxamed Ayaa Muqdisho kula Kulmay waxa aaan la yeeshay wareysi ay uga hadleyso shaqooyinkii ay soo qabatay iyo sida ay ugu suurta gashay ugu horeyn waxa aan weydiiyay Xusuusteeda sida ay ku bartay duuliya-nimadda ?

Ka Dhageyso Halkani.

Xuquuqda Lahaanshaha Wareysiga Waa Radio Mustaqbal .

a7a8a6a5a4

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka