Tuesday, May 21st, 2019

Ururka Haweenka Qaran oo 50 Dumar ah uga Faa’iideynayo Barashada Harqaanka + Sawirro

Published on August 5, 2017 by   ·   No Comments

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa barashada xirfada Harqaanka u soo banaanbaxay Haween badan kuwaasi oo biiriyay Xarumaha lagu barto xirfadahani oo ah inta badan xarumo taageero ka helo Hey’adaha ama Ururada Caawiya Farsamada Gacanta kuwaasi oo mararka qaar ku bixiya dhaqaalo aan sidaasi  u badneyn si haweenka ay gaari raac uga dhigtaan ama ay howsha u socoto.

Haween badan ayaa bartay xirfadaasi in kastoo aan wali lagu sameyn tiro koob sax ah oo lagu ogaanayo inta ay la’eg yihiin haddana xarumaha bixiya fursadahaasi waxa ay sheegaan in markiiba ay 50 ama 100 Haween ah ay dhameystaan barashada xirfadani ,waxaa la siiyaa harqaamadii wax lagu baray si ay ugu shaqeystaan.

Marka aad dib ugu laabato dadka ku shaqeysto xirfada harqaanka waxaa badan raga marka Haweenka loo fiiriyo sababta oo ah ma ahan caado lagu yaqaano in dumarka ay xirfadani ku shaqeystaan in kastoo sanadahani danbe ay waxbadani ka fahmayaan, sababta ay ugu yaraadeen waxa ay ku sheegeen in aysan badneyn helista fursadaha noocaasi ah, haweenka qaar oo aaminay in ay shaqadaasi qaban Karin ama aysan aqoonta ceynkaasi baran Karin.

Waa ay sii jirayaan Mushkiladaha ku aadan in ay Haweenka ku yaraadaan barashada xirfadani inta ay Haweenka Soomaaliyeed Fahmayaan muhiimada xirfada harqaanka ay u leedahay qoyskooda iyo naftooda haddaba warbixin goobeed arrintaasi ku aadan waxaa inoo diyaarisay Nasriin Maxamed oo booqatay goob Haweenka lagu baro harqaanka oo ku taallo guriga hooyooyinka ee muqdisho taasi oo ay fureen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Ka dhageyso Halkani

Xuquuqda Lahaanshaha Warbixintan waa Idaacadda Mustaqbal Radio

h 1 h2 h3 h5 h6 h7 h8 h33

 

 

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka