Tuesday, May 21st, 2019

Madal Kulmisa Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Haweenka Bulshada Ra’yidka oo lagu sameeyay Muqdisho { Sawirro }

Published on August 26, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabisay UMWOMEN kaasi oo ahaa kulan lagu sameynayay Platform ama madal kulmisa haweenka baarlamaanka iyo kuwa bulshada ra’yidka shirkan oo socday muddo labo maalin ah waxaa looga hadlay arrimo quseeyo haweenka ,oo badi dadkii ka qeybgalay waxa ay soo jeediyeen aragtiyo kala duwan oo dumarka ka hadlayo.

Waxayaabaha kulanka ka soo baxay waxaa saxaafadda u akhrisay Sahra Axmed Maxamed oo ah gudoomiyaha SWDC waxaa ugu waa weynaa in madasha ay ka shaqeyn doonto arrimaha horumarinta Haweenka ee dhinacyada ka qeyb galka siyaasada ,dhaqaalaha ,ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaa sidoo kale la sameeyay lataliyaal gaarayo illaa shan xubnood oo haweenka baarlamaanka iyo bulshada ra’yidka isugu jiro ,iyo 5 Xoghayn ah oo iyaguna sidaasi oo kale ka kooban labada dhinac.

Kulanka waxaa ka hadashay Faadumo Qaasim Dhayib oo ah Xoghayaha Maamulka Barnaamijyada UNWOMEN ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in UNwomen ay u taagan tahay u adeegista Arrimaha haweenka Soomaaliya si taasi loo gaaro waa in aan dardargalinaa shaqada madashan ayay Yiri Faadumo,” sidoo kale waxaa jiri doono safaro aan ku tagi doono gobolada Dalka Soomaaliya si aan howsha UNwomen u balaarino.

dhanka kale kulanka marka uu soo dhamaaday waxa aan la kulmay Xildhibaan Biibi Qaliif Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka golaha shacabka waxa ay ii sheegtay in ay soo dhaweyneyso aas aaska iyo dhisida madashan, waxa ay tiri ” Waxa aan ku faraxsanahay madasha wada jirka ah sababta oo ah waxaa ku mideysan haweenkeena baarlamaanka ku jiro iyo kuwa bulshada ra’yidaka oo ay wadashaqeyn naga dhaxeyso.XIL BIBIplu 3u1u2u4u5

u6 u7 u8 u9

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim

Email UrurkaHq@gmail.com

Mogadishu- Somalia

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka