Tuesday, May 21st, 2019

Ururka Haweenka Qaranka oo 500 Qoys siiyay Deeq Raashiin ah,{ Sawirro }

Published on September 6, 2017 by   ·   No Comments

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalmahani ku mashquulsanaa qeybinta deeq raashiin ah ay soo wakiisheen Gudiga Gurmadka Qaranka ee Abaaraha deeqdan ayaa ka koobneyd Bur, Bariis iyo Sonkor taasi oo asal keeda ay Soomaaliya ugu deeqeen Dowladda Turkiga.

Deeqdan ayaa gaareysay illaa 1500 oo loor taasi oo marka la furfuro noqoneyso 500 loor oo bur ah 500 loor oo Sonkor ah iyo 500 loor oo Bariis ah waxaa loo qeybiyay illaa 500 qoys oo dan yar ah kuwaasi oo isugu jiro dadka ,tabaaleysan, hooyooyinka aan waxba heysan ee halka galin quuto , dadka qaba baahida gaarka ah sida kuwa aan lixaadkooda dhameystirneyn ee Dumarka ah.

Qeybinta raashiinkan waxaa u xil saarnaa illaa 5 qof oo ahaa gudi laga dhex sameeyay Ururka Haweenka Qaranka kaasi oo ay hogaamineysay Xoghayaha Guud ee Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed  Canab C/llaahi Xaashi.

8f

Xoghaya Guud ee Ururka Haweenka Qaranka Canab C/laahi Xaashi oo la hadashay website ururka ayaa yiri “ si nabad ay ku jirto ayaan u qeybinay raashiinka oo uu noo soo wakiishay Gudiga Gurmadka Abaaraha si aan u siino haweenka jilicsan iyo dadka qaba baahida gaarka ah ee aan awoodi in si joogto ah ay u helaa nolol maalmeedkooda , waxa aan siinay qoyskiiba loor bur ah loo bariis ah iyo Loor sonkor ah ,in kastoo mararka qaar looga badinayay qoysaska aadka u tabaaleysan, waxa aan fileynaa in ay bil kaga gudbi karaan. ”

Dhanka kale dadkii deeqdan la siiyay ayaa kaga mahdceliyay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Qaranka deeqdan ay siiyeen waxa ayna sheegeen in ay aheyd waqti loo baahnaa maadaama aysan heysan wax dhaqaalo ah ayna yihiin danyar.

W/Q

Nasriin Maxamed Ibraahim

Ururkahq@gmail.com

f75f4f3f2f1f

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka