Tuesday, May 21st, 2019

Xubno ka Tirsan Ururka Haweenka Qaranka oo shir kaga qeybgay Shiinaha { Sawirro}

Published on September 19, 2017 by   ·   No Comments

Illaa Shan Xubnood oo ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay shir lagu qabtay Wadanka Shiinaha Kaasi oo loo qabanayay Haweenka wadamada qeybta Ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, Haweenka ka tirsan Ururka Haweenka Qaranka waxaa hogaamineysay gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe sidoo kale waxaa safarka ku wehlineysay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Madiina Goonyare ,Xoghayaha Guud Canab C/llaahi Xaaji iyo Xubno kale oo qeyb ka ah Masuuliyiinta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Shirka oo maalmo socday ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeyo haweenka caalamka gaar ahaan kuwa wadamadooda ay qeybta ka yihiin jaamacadda Carabta ,Dowladda Shiiinaha ayaa shirka soo qaban qaabisay xili dadkii ka qeyb-galay oo dumar ahaa ay si wanaagsan uga warbixiyeen wadamadii ay ka socdeen .

Gudoomiyaha Ururka Haween Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo shirka qeyb ka aheyd ayaa ka hadashay xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka wadanka waxa ay xustay in dumarku ay door muhiim ah kaga jiraan nolosha bulshada Soomaaliyeed oo muddo ka badan 20 sano ku jiray colaado iyo dagaal sokeeye, Ma ahan shirkii ugu horeeyay oo looga hadlayo arrimaha haweenka oo lagu qabto Wadanka Shiinaha.

m8m3m2

m

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka