Tuesday, May 21st, 2019

Bandhiga Todobaadka Dhaqanka oo lagu soo gebo gabeeyay Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya { Sawirro }

Published on October 9, 2017 by   ·   No Comments

Xarunta Dhaqanka ee Kenya waxaa maalmahani ka socday bandhiga todobaadka dhaqanka oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen Soomaali badan oo ku nool wadanka Kenya debshidka oo galay sanadkii 3 aad waxaa lagu soo bandhigay qeyb kala duwan oo dhaqanka Soomaalida ka turjumayo sida Buugaag ,Dhar laga sameeyay Hidaha iyo dhaqanka Soomaalida , Cunooyinka Soomaalida ay is ticmaalaan sida kuwa ka soo go’a wadanka.

Todobaadka Dhaqanka waxaa lagu Soo badhigay Suugaanta Soomaalida Sida Walansaqada , Dhaantada ,Heeso ,Sheekooyo , sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Doodo lagu gorfeeyay arrimaha dhaqanka iyo dhaqaalaha , Xarunta Cilmi Baarista ,Dhaqanka iyo Akhrista ee Aw-Jaamac Cumar ayaa barnaamijkan soo qaban qaabisay .

Dabshida dhaqanka oo socday muddo Afar maalin ah waxaa Xarunta Aw -Jaamac ka Caawiyay qeybo ka mid ah shiradaha Soomaalida oo ay ugu Horeyso Horumuud , Takaaful ,iyo sidoo kale Safaarada Switzerland qeybta ka shaqeyso dhaqanka.

Fardowsa Jaamac oo ah Maamulka Xarunta ,Aw-jaamac Cumar ayaa tiri “ Sanadkan wax badan ayuu nooga duwanaa sanadkii hore sababta oo ah waxa aan helnay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo diyaar u ah horumarinta dhaqanka , waxaa sanadihii hore dhici jirtay in dadka Kenyanka ah ay sheekooyinka Soomaalida akhriyaan ka dib ay iyaga dadka u sii akhrinyaan balse sanadkan inaga ayaa sameynay sidaasi.

Mar aan wax ka weydiiyay haddii ay caawimaad ka heleen dowladda Soomaaliya iyo safaaradda Soomaaliya ee Kenya waxa ay tiri waxaa noo yimid Wasiir Jamaal balse waxa aan dhowr mar cazuumaad u dirnay safaarada Soomaaliya ee Kenya gaar ahaan safiirka ma uusan noo imaanin taasina ma garan karno sababta ay ku dhacday.

Ka sokow Fardowsa Jaamac dhalinyaradii ka soo qeyb gashay ayaa aad u bogaadiyay howsha quruxda badan oo qeybka mid ah dhalinyadan iyo Xarunta ay isla wadaan waxa ayna sheegeen in ay xoojin doonaan dhaqankooda Soomaaliyeed.

W/Q Nasrin Mohamed Nairobi Kenya

Nairobi Kenya

20410968

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka