Tuesday, May 21st, 2019

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Published on October 18, 2017 by   ·   No Comments

wd

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay muwaadiniin badan oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen kaasi oo ka dhacay 14-kii  bishan oo aheyd maalinimo sabti ah magaalada Muqdisho gaar ahaan isgooska KM-5

14-kii bishan ayay aheyd markii ay taariikhda soomaaliya hoos u dhacday oo ay maalin madoow gashay ka dib markii ay boqolaal muwaadiniin soomaali ah oo aan waxba galabsan ay ku waxyeeloobeen qaraxaasi, sidoo kalana ay burbureen goobo ganacsi ,dadka ay dhibta soo gaartay ayaa isugu jiray rag ,dumar , iyo carruur kuwaasi kuwaasi oo ka soo jeeda qoysas Soomaaliyeed.

Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaskii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay muqdisho si la mid ah tacsidii uu diray madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiinta kale ee Dowladda Soomaaliya,intii lagu jiray maalmaha baroor diiqda.

Madaama uu Dastuurka KMG soomaaliya qeexayo difaaca iyo xuquuqda Raga ,Dumarka iyo carruurta waxa aan ugu baaqeynaa kooxaha ka soo horjeedo nabada iyo xasiloonida Soomaaliya in ay illaaliyaan Xaquuqda Aadanah,

Sidoo kale waxa aan ugu baaqeynaa hey’adaha aan dowliga aheyn iyo kuwa caalamiga ee xiriirka nala leh kuna sugan dalka Soomaaliya in ay caawiyaan dadka ku waxyeeloobay qaraxa ee ku jira isbitaalada Muqdisho sidoo kale waxa aan ka codsaneynaa in ay si gooni ah ula socdaan qoysaskii ay mashaqadu saameysay kuwaasi oo u baahan saacideyn weyn iyo ger gaar deg deg ah.

Ugu danbeyn warsaxaafadeedka ayaa loogu mahdceliyay dhalinyarada ka shaqeyneysa gurmadka qaran ee caawineysa qoysaska dhibanayaasha ah ,kuwa ka qeyb qaadanayo ololaha lagu nadiifinayo goobtii uu qaraxa ka dhacay iyo dadkii sida mutadawacnimada ah dhiigooda ugu deeqay dhaawacyada yaalla isbitaaladda Muqdisho.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha wey sii wadi doontaa hubinta ,,Difaaca iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha

Waxaa Afka English-ka turjuntay Nasriin Maxamed

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka