Tuesday, May 21st, 2019

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Published on October 26, 2017 by   ·   No Comments

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, Sheekooyin iyo fikrado Cusub ,dhismaha dabka oo bandhiga lagu qabtay waxaa yimid dhalinyaro aan tiro yareen kuwaasi oo qaarkood qoray sheekooyin xusuus ku reebay , qeyb ahaan dhalinyarada waxa ay sameeyeen sawir gacmeedyo ka turjumayo waxyaabo kala duwan.

Sidoo kale Barnaamijka Waxaa looga hadlay Taariikhda faca-weyn ay leedahay Sarta dabka oo uu ka muuqdo burbur weyn , Sartan waxaa la dhisay sanadkii 1963-kii waxa xiligaasi ku shaqeynayay Xizbiga dab iyo Olal oo uu gudoomiye u ahaa Crisaaq Xaaji Xuseen, ALHUN ka dib markii ay dowladii ciidanka dhalatay waxaa laga dhigay Hotel waxa ay qeyb ka tahay saraha muqdisho ku yaalla ee Shaqsiyaadka leeyihiin.

Sababta uu magacaasi ku baxay waxa ay aheyd sartii saddexaad ee ku taallay wadada Maka- Almukara kahor Dowladii Kacaanka, Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane iyo Marti kale ayaa timid waxa ayna isla qaateen in muhiim ay tahay sameynta barnaamijyo lagu xusayo meelaha qadiimiga ah ee ku yaalla Dalka Soomaaliya.

Hey’adda CISP oo caawimaad ka heleysa Swiss ayaa barnaamijkaasi ka taageereyso dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadka diyaarka u ah soo nooleynta Xusuusta Xamar waxa uu barnaamijkan socon doonaa illaa 6 bisha soo socota, barnaamijka ayaa ah mid u furan guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

W/Q Nasriin Mohamed Ibrahim

Mogadishu Somalia

sarta

m10m4 m7 m5 m3 m2 m1

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka