Tuesday, May 21st, 2019

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Published on December 27, 2017 by   ·   No Comments

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta Aqalka Sare ayaa lagu Qabtay Xarunta Aqalka Sare ee degmadda Shibis.

Kulanka waxaa ka qeyb galay , Gudooonada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Gudoomiyihii Hore ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed,Haween ka socday qeybaha kala duwa ee Ururada Bulshada Ra’yidka, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, Xubin ka socotay UNDP, Fanaanada Hiba Nuura iyo Xubno.

U jeedada waxaa ay aheyd in la doorto Gudoomiyaha Ururka haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Aqalka Sare, Xilka Gudoomiyaha waxaa u tartamay Shukri Aadan Maxamed Camey ,iyo Faadumo Gariyeey, Balse Faadumo ayaa u tanaasushay Shukri waxaana gudoomiye loo doortay Shukri Aadan Camey, waxaa Doorashadaasi ka qeyb qaatay 12 ka mid ah 13-ka  xubnood ee haweenka  Aqalka Sare.

Doorashada oo halmar dhacday ayaa waxaa gudoomiye loo doortay Shukri Aadan Maxamed Camey, Gudoomiye Ku Xigeen Zamzam Ibraahim Cali halka Xoghaye loo doortay, Zamzam Daahir Maxamuud.

Waxaa natiijada ku dhawaaqay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi,ka dib natiijada, Doorashada waxaa hadalo kooban jeediyay Xubihii ka socday, Wasaarada Haweenka, Gobolka Banaadir, Ururada Bulshada Ra’yidka iyo UNDP, waxa ay guud ahaan amaaneen doorashada dhacday iyaga oo balan Qaaday in ay si wayn ula shaqeynayaa Haweenka Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha la doortay  ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Aqalka Sare ayaa sheegtay sababta loo sameeyay in ay tahay sidii haweeenka 2020 kaalin fiican uga gali lahaayeen siyaasada iyo sidii la isugu xiri lahaa Ururada Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Baarlamaanaada Dunida.

Dhawaan ayay aheyd markii golaha Shacabka ay doorteen gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Golaha Shacabka, Balse waxa uu gudoomiyaha Aqalka Sare ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta labada urur si hadaf mid ah ay u yeeshaan.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim.

1 3 5 6 7 8 9 10 11 1226177693_933115553505473_1312437661_o26177693_933115553505473_1312437661_o26177549_933115676838794_694278355_o26142401_933115563505472_40665545_o26134125_933115546838807_560948846_o26133743_933115600172135_1887385882_o26108132_933115650172130_199898838_o26177549_933115676838794_694278355_o

 

 

 

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka