Tuesday, May 21st, 2019

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Published on March 31, 2018 by   ·   No Comments

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay kulan ku  qaateen magaalada Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid baaq loogu diray, Xildhibaanada Golaha shacabka si ay xooga u saaraan xasiloonida siyaasadeed ee Wadanka .

Haweenka ayaa Xildhibaanada Golaha shacabka uga digay in ay ka feejignaadaan waxaayabaha khal-khalka galin karo siyaasada dalka maadaama ay gacanta ku hayaan Masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Xubnaha Meesha ka hadlay waxaa ka mid aheyd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe waxa ay tiri wax waliba waxa aan soo jeedineynaa in jiritaanka Ummada Soomaaliyeed laga horumariyo, sidoo kale wiilsha Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqeynaa in ay isku tanaasulaan iyaga oo fiirinayo Danta dalka iyo dadka eegayana dhibaatada heysata bulshada Soomaaliyeed.”

Saynab Maxamed Xasan ( Siraad )  oo ah gudoomiyaha Ururka SGEM ayaa mar ay ku hadashay Afka Haweenka Bulshada Ra’yida waxa ay tiri  “ Xildhibaanada Golaha Shacabaka waxa aan ka codsaneynaa in ay joojiyaan khalalaasaha iyo dhibaatada ka dhex taagan siyaasada, iyada oo la fiirinayo danta shacabka sababta oo ah haddii qof meesha laga saaro waxa ay horseedi kartaa dhibaato hor leh, waxa aan ku talineynaa in la wada hadlo oo miiska la wada fariisto, iyada oo lagu dhaqmayo Dastuurka u yaalla dalka.

Maadaama Xildhibaanada Golaha Shacabka 61 ka mid ah ay haween yihiin suurta galna tahay in ay ku kala biiraan ama ay qeyb ka yihiin labada garab ee baarlamaanka waxaa fariin ah in daganaasha wadanka ay gaar ahaan siyaasada baarlamaanka ay ka shaqeeyaan u dir tahay Cadar Cali Maxamed oo kulanka ka hadashay.

Khadiijo Ibraamih Xasan ( Caato ) oo ka mid ah Haweenka  ka soo laabtay Qurbaha ayaa tiri “waxa aan Baarlamaanka ka sugeynaa in wax waliba ay dhameeyaan ama ay sharciga ku kala baxaan”

Abshiro Axmed Maalin oo Haweenka Qaranka Ka  tirsan ayaa tiri “haddii xaaladda ay sidan ku sii socoto waxaa imaanayo burbur iyo amni xumo intaan ka daran , waxa aan u baahanahay in baarlamaanka ay dib isugu laabtaan.”

Waxaa isa soo tarayo baaqyada loo dirayo xubnaha baarlamaanka golaha shacabka si loo dajiyo khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkani ka dhex taagan xubnaha baarlamaanka oo noqday labo garab.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim

123 43

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka