Tuesday, May 21st, 2019

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Published on August 15, 2018 by   ·   No Comments

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka si ay uga wada tashadaan Shir-weyne ay haweenka ku qaban doonaan magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo, Kaalinta Haweenka ay ka qaadan karaan dhinacyada Dib u hishiisiinta, Nabada iyo Amaanka.

Guud ahaan haweenkii ka soo qeyb galay shirka ayaa soo jeediyay fikrado ay suurta gal-tahay in lagu gaari karo Nabad, iyo dib u hishiisiin ay kaalin ka qadanayaan haweenka Soomaaliyeed. waxyaabaha la soo jeediyay waxaa ka mid ahaa in la badiyo kulamada ay dumarka yeeshaan, in sugida amniga iyo Nabada  laga soo bilaabo xaafadaha iyada oo dumarka la kaashanayo, in masuuliyiinta dowladda ay laba laabaan wadasheynta haweenka, in la sameeyo baaris dheer oo lagu ogaanayo hababkii wadamada qaar ay u mareen helista nabad iyo dib u hishiisiin waafi ah.

6

Dadkii kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gaballe , Gudoomiyihii Hore ee Dagmada Warta Nabada Deeqo C/qaadir Axmed, Agaasimhii hore Somali Airland Madiina Caamir Maxamed, Sahra Sheekh Xuseen Waaya Joog Soomaaliyeed, Xaawo Abtidoon, Khadiijo Siicow, Shariifo Cadow,  Wasiirkii hore ee Haweenka Aamina Maxamed Mursal, Gudoomiyaha Hey’adda Nabada iyo Xuquuqda Aadanaha ee ELman Fartuun C/salaan Xaaji Aadan, Gudoomiyaha Sareedo Sacdiyo Cusmaan Geedi, Sahra Lole oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibada iyo Haweenkale oo Qurmaha ka yimid.

5

Mudada kulanka uu soconayay waxaa aragtiyaha qeybineysay Gudoomiyaha Waano Cudbi Cumar, kulani waxa uu daba socdaa kulamo sidani oo kale loogu soo qabtay Maamul goboleedyada  kuwaasi oo haweenka gobolada ay fikirkooda  ku dareen habka shir waynaha  wadatashi loo sameynayo.

4

321

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim

 

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka