Tuesday, May 21st, 2019

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Published on September 2, 2018 by   ·   No Comments

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso waxa ay subax waliba u jarmaadaa goob ay Shaah ku iibiso oo ku taalla nawaaxiga Dakada Muqdisho.

Xili ay ku beegneyd 5:15 AM oo subanimo ah ayay ka soo baxday gurigeeda si ay u aado goobta ay Shaaha ku iibiso, nasiib wanaag waxa ay la kulantay dhacdo aan ku cusbeyn maqalkeeda balse ay aheyd markii ugu horeysay ay la kulanto.Waxa ay ku aragtay meel uu ka baxayo geed yuhuud, qashina uu yaallo bac madow uu ku jiro canug saacado dhalan oo wajigiisa dhiig qariyay sababta oo ah marka ay dul istaageysay waxaa ka cararay Bahalka  loo Yaqaano Daba-cadeeya.

1

Hooyo Muna way qeylisay iyada oo Ashahaadaneysa, waxaa ku soo baxay reerihii ka ag dhawaa halka canuga la soo dhigay qaarkood ayaa dhahay waan maqleynay oohinta balse waxaan u heysanay in reerka nagu dhagan uu canug ka jiran yahay, ma aysan garan in ay banaanka u soo baxaan si  ay ugu yaraan u arkaan waxa socda.

2

Hooyo Muna C/qaadir  waxa ay ilmaha Yare  ee wadada ka qaaday geysay dagmada Boondheere si loo diiwaan galiyo, ka dib waxaa loo qaaday isbitaalka Banaadir halkaasi oo lagu haayay muddo bil iyo labo maalin ah, ma jiro dhaawac gaaray xubnaha kale ee jirkiisa balse waxa uu dhaawac ka qabaa dhanka midig ee madaxa halkaasi oo lafta ay banaanka Soo baxday waxaa loo mariyaa daawooyin soo celinayo Maqaarka jirka.

3

Hooyo Muna waxa ay u bixisay Maxamed Nasiib mararka qaar Maxamed Sahal ayay ugu wacdaa, wuxuu dhalan yahay 40 maalmood oo 32 ka mid ah isbitaalka uu ku soo qaatay, Hooyadani waxa ay go’aan satay in ay heyso oo ay koriso iyada oo shaqadeeda u joojisay heynta canuga yar inta uu ka caafimaadayo.

4

Waxa ay u baahan tahay Caawin dowladeed iyo Mid shacab maadaama ay reerkeeda ku maareyneysay Shaah ay iibinjirtay, cid waliba oo wax tari karta fadlan kala xiriir

+25261595465

Allow la Garabgal.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka