Tuesday, May 21st, 2019

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Published on March 7, 2019 by   ·   No Comments

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Shirkaasi waxaa lagu Casuumay haween ka yimid dalka Dibadiisa, Haweenka Gobolka Banaadir iyo kuwa ku sugan Magaalada Muqdisho in kastoo ay ka maqnaayeen Ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, shirkaasi waxaa laga soo saaray qodobo aas aas u geedi socodka haweenka ee dhinacyada Dhaqaalaha, tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, Dhaqaalaha, Cimlada iyo Cadaaladda Muddada shirka uu socday waxaa la Sameeyay doodo iyo Kooxdoodeedyo laga soo saaray qodobo la rabo in lagu daro siyaasada haweenka.

Labada Maalin ee ugu horeysay ee shirka waxaa dhaliilay hanaanka shirka uu u socda iyo kaalinta ka maqan shirka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo sameeyay Banaanbax iyo shir Jaraa’id kaasi oo ay ku dhaliileen Wasaarada Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Wasiirka Haweenka iyaga oo sheegay in kaalintooda ay ka maqan tahay Shirka, in kastoo aan la cadeyn sabab rasmi ah oo ay uga maqnaayeen sidoo kale Ururada Saxaafada ayaa iyaguna sheegay in shirkaasi aan laga Casuumin.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shirka Soo xiray ayaa sheegay in ay muhiim tahay ka shaqeynta Midnimada haweenka Soomaaliyeed waxa uu Haween ay ka mid yihiin Caasho Shaacuur Ugaas Gudoomiyaha Haweenka Ganacsatada,  Aamina Xaaji Cilmi oo ah Gudoomiyaha SSWC,  Sahra Sheekh Xuseen oo ka mid ah Haweenka Bulshada rayidka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf  in ay ka shaqeeyaan midnimada haweenka Soomaaliyeed waqtigaasina ay dowladda kula xisaabtami karaan kaalinta haweenka ee siyaasadda.

Haddii sida ay tahay looga shaqeeyo midnimada haweenka Soomaaliyeed waxaa meesha ka baxayo tabashooyinka ka imaanayo qeyb ahaan haweenka Soomaaliyeed oo ay ugu  horeeyaan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo aad uga soo horjeestay Shirweynihii Haweenka Soomaaliyeed.

W/Q Nasrin Maxamed Ibraahim

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka