Tuesday, May 21st, 2019

Haweenka qaranka oo dhiira galiyay isbadalka dumarka ay sameynayaan —lagu daray sawiro

Published on April 1, 2015 by   ·   No Comments

Munaasabada ka dhacdhay magaalada mudisho ayaa waxaa isugu yimid haween ka socday ururada bulshada rayidka fanaaniin ,haween qurba jog, ah ururka haweenka qaranka iyo dumar ganacsato ah oo munaasabadda lagu cazuumay hadafka loo sameeyay munaasabadda waxa ay aheyd in lagu furo xarun dumarka lagu baro habka qurxinta.

Munaasabadda furitaanka xarunta barashada qurxinta dumarka waxaa ka hadlay haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshad ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadashay haweenay lagu magaacbo Caasho oo ka mid ah qurba joogta soomaalida ,waxa ay sheegtay in ay wanaagsan tahay sameynta goob ay dumarka ku bartaan habka loo qurxiyo hablaha kale .
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey gudoomiyaha urur ka shaqeeya sidii haweenka la isugu keeni lahaa waxa ay tiri waxa aan dhiira galinayaa in haweenka ay sameystaan goobo ganacsi sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay wanaagsan tahay in haweenka ay mid ahaadaan oo ay siyaasadda iyo arimaha hormarinta ay shaqeeyaan.
Canab Maxamed Cosoble xoghayaha guud ee ururka haweenka qaranka soomaaliyeed oo hadashayna waxa ay tiri waan ku faraxsanahay in magaalada muqdisho laga furo goobo haweenka lagu qurxiyo .
Deeqa Luul oo ah haweenayda ku fikirtay in magaalada muqdisho ay ka hirgaliso xarumo dumarka lagu qurxiyo ayaa sheegtay in goobtan ay bilaaw u tahay goobo badan oo la doonayo in dumarka ay isku qurxiyaan.
Gabo gabada munaasabadii furitaanka xarunta barashada habka dumarka loo qurxiyo ee Asli Pure Foundation waxaa ka hadashay gudoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuulo Sheikh Axmed Gabale waan soo dhaweynaynaa habka ay hawsha u bilaawday Deeqa Luul oo ah gudoomiyaha Asli Pure Foundation
Waxa ay xarunta ka mid noqonaysaa xarumaha loogu tala galay in haweenka lagu baro habka qurxinta dumarka .

IMG_0626 - Copy IMG_0606 IMG_0675 IMG_0569 - Copy IMG_0607 IMG_0575 IMG_0553 IMG_0635 IMG_0595

Warar kale

hawenka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo sheegay in la xisaabtanka Dowladda ee Haweenka laga horumariyo Midnimada Haweenka Soomaaliyeed isaga oo tiro haween ah arrintaasi u ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan.

Waxaa magaalada Muqdisho lagu Qabtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda ...
2

Hooyo Muna : “Waan aamin waayay in uu yahay Canug waxa ku jira Bacda ee uu Bahalka ka dul Carary” ( Sawirro)

Muna Cabdulqaadir Yuusuf waa hooyo heysata 5 carruur oo agoon ah, si ay nolol maalmeedka reerka u raadiso ...
6

Ururka Haweenka Qaranka oo la Kulmay Haweenka Bulshada Ra’yidka+ Sawirro

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo taageero ka helayo xafiiska Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Muqdisho kula Kulmay Haweenka Bulshada ...
lul

Maqaal: DA`DA GUURKA IYO BAALUQA CARRUURTU WAA KALA LABA

Taariikhdu marka ay ahayd 6dii Agoosto waxaa shir jaraa’id qabtay Culumada Soomaaliya oo ka fal celinaysa “Sharciga Kufsiga ...
1

Haween ka Tirsan Bulshada Rayidka oo Fariin u Diray Golaha Shacabka. ( Sawirro )

Tiro Haween ah oo hogaamiyaal u ah Ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka ayaa goor sii horeysay waxa ay ...
?

Haweenka Ka tirsann Bulshada Ra’yidka oo xusay 8-da Maarso.

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka  oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ...
5

Haweenka Xildhibaanadda Aqalka Sare oo doortay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Qeybta Aqalka Sare .( Sawirro )

Munaasabad ay Haweenka xildhibaanadda Aqalka Sare ay ku doorteen Gudoomiyaha iyo Xubnaha Ururka Haweenka Baarlamaanka Soomaaliya ee Qeybta ...
sarta

Taariikhda ay leedahay Sarta Dabka ee Muqdisho oo la soo Bandhigay+ Sawirro

Xusuusta Xamar: Waa barnaamij lagu soo bandhigayo Sawir gacmeedyo , Muuqaalo , Doodo , dhacdooyin la xusuus qoray, ...
wd

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanah oo soo saartay Warsaxaafadeed.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay qarixii ay ...

Keydka Wararka